Daawo:Hay’adda Socdaalka Somaliya Xafiiska Puntland ayaa Beeniyay Warar Been Abuur Ah Oo Laga Faafiyay

puntland

Hay’adda Socdaalka Somaliya xafiiskeeda Puntland ayaa waxay Beeniyeen warar Been abuura oo laga Faafiyey waxayna sheegen marar ay saxaafada la hadlayeen. dhanka kale qoraal ay hay’ada socdaalka bartooda facebook soo dhigeen ayey saan ku sheegeen.

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda waxay magaalada Garowe ka hirgelisey dhismaha xarun weyn oo loo diyaariyey in loogu adeego bulshada Soomaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanada Puntland.
Hay’addu waxay horay u daganeyd guri gaar loo leeyahey oo kiro ahaa waxaana dadweynaha isbuucii hore loo sheegay in muddo 3 beri ah shaqada la hakinayo si loogu guuro xarunta ay Hay’addu dhisatay.
Hay’addu waxay mar kale ku wargalineysaa bulshada ku xiran adeegga xaruuntaan in ay adeegga bixinta baasaboorku dib uga bilaaban doonto xaruunta cusub manta ooay tariikhdu tahay 13/03/2018,
Dhinaca kale Hay’addu waxay cadeyneysaa in aysan matalin isla markaana wax masuuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca hay’adda.
Ugu danbeyn, agaasinka guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu wuxuu uga mahad celinayaa madaxda dowlad goboleedka Putland, gaar ahaan maamulka gobolka Nugaal wadashaqeynta hagaagsan isla markaana ku saleysan sharciyada dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.