R/W Khayrre oo muqdisho ku soo laabtay.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib maalmo uu ku sugnaa wadanka Mareykanka.

R/W ayaa halkaasi kaga qayb galay shir looga hadlaayo amaanka wadamada ay Colaadda ka jirto, waxa uuna markii uu ka soo degay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa loo soo gudbiyay xarunta Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliya,halkaasi oo ay ka socoto Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Khayrre ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalane uu ka warbixiyo shirkii uu kaga qayb galay Dalka Mareykanka.

La soco wixii ku soo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.