Soomaaliya oo xirtay xadduuda ay Kenya kala wadaagto gobalka Gedo

deg

Wararka naga soo gaarayo magaalada Belad-xaawo ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in maanta gabi ahaanba la xiray xadduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee degmada Belad-xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in arintaan ay ka dambeysay kadib markii ay maamulada Belad-xaawo iyo Mandheera ay isku fahmayn in la xiro xadduuda Labada dal, waxaana ganacsatada la siiyay fursad muddo 3 maalmood ah si ay u kala rartaan ganacsigooda Gudaha Soomaaliya iyo Gobalka NFD ee Kenya haysato.

Guud ahaan ma jirto saakay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Labada Dal, sidoo kale waxbarashadii ayaa hakad ku jirta waxaana wararka ay sheegayaan in aan qaadkii ka imaan jiray Kenya uusan soo gelin gobalka Gedo ee Soomaaliya.

Arintaan ayaa ka dambeysay muran dhina Xadduuda oo wali ka taagan gobalkaasi Gedo, Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay wado dhul balaarsi waxaana ka soo horjeestay shacabka Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

Kenya ayaa dooneysa in ay darbi ka dhisto Xadduuda ay la wadaagto Soomaaliya, madaama ay u xaal weysay weerarada Al-Shabaab ee lagu qaadayo gudaha kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.