Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo xubnaha Baarlamaankaasi ugu yeeray Dhuusamareeb.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ku sugan  Magaalada Dhuusamareeb ayaa Xidlhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ugu baaqay in ay tagaan Caasimadda Galmudug eemDhuusamareeb si ay kaga qeyb qaataan dhameystirka Heshiiska.

xildhibaanada ayaa la tilmaamay in looga baahanyahay ka talo bixinta Dastuurka Galmudug iyo isku dhafka xildhibaanada Baarlamaanka.

iyadoo ay jireen warar sheegaya in caqabado soo hor gudboonaadeen dhameystirka heshiiska ayna tilmaamayeen qaar kamid ah xildhibaanada maamulkaasi ayaa Cali gacal casir gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug wuxuu sheegay in aysan jirin caqabadaasi la sheegay.

Gudoomiyaha ayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug  waxa uu ka dalbaday in ay garab istaagaan Maamulka Galmudug, waxaa uuna tilmaamay in qeybihii ugu dambeeyay ee Midnimada Galmudug lasoo gaaray.

sikastaba maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in isku dhafka xildhibaanada lagu sameeyo magaalada Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.