Qaxooti Soomaaliyeed oo Kenya ka dhigay banaanbax ka dhan ah UNHCR.

Boqolaal ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xerradda IFO 2 ee dalka Kenya ayaa waxa ay sameeyeen Banaanbax  ay ugu soo horjeeddaan Hay’adda Qaramada Midoobe u Qaabisan Arimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo  UNHCR.

Qaxootigan ayaa Waxaa ay sheeegeen in ay ka cabanayaan  go’aan ay hay’adda ku sheegtay in dhamaadka bishan la xirayo xerada IFO,taasina ay ogolaan Karin in laga raro xerooyinka qaxootiga ah ee  ku yaala Dalka Kenya.

Sidoo kale Qaxootigan Soomaaliyeed  ayaa waxa ay sheegeen in lagu haayo dhibaato weyn oo ah in la doonaayo in laga raro meelaha ay degan yihiin,islamarkaana taasi ay u arkaan mid caqabad ku ah Qaxootigaasi.

Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed eek u nool Xerada IFO ee dalka Kenya ayaa Warbaahinta la hadlay waxaana ay sheegeen  in lagu haayo dhibaato weyn oo ah in la doonaayo in laga raro meelaha ay degan yihiin .

Dhawaan ayaa  hay’adda UNHCR sheegtay in la xiro doono xeryaha qaxootiga qaar oo ay IFO kamid tahay Maadaama uu yaraaday dhaqaalihii loogu tala galay xeryaha Qaxootiga dalka Kenya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.