Madaxweynaha Somaliland oo u jawaabay R.W Khayre

muusa

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo u muuqday mid u jawaabayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu sheegay in Dagaalo ay iclaaminayaan Xukuumada uu hogaaminayo Xasan Cali Khayre, ka Maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay sameeyaan wax walba oo ay isku difaaci karaan.

2-dii bishan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka soo laabtay Imaaraadka kadib hadal uu warbaahinta siiyay ayuu kaga hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee dhexmaray Somaliland, DP-World iyo Itoobiya, wuxuuna tilmaamay heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale in ay u idman tahay Dowladda Federaalka, ansixintiisana keliya ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliland in Dowladda Federaalka qaabka ay wax u wado aysan ku qanacsaneyn hadii ay yihiin Somaliland, wuxuuna tilmaamay heshiiska Dekeda Berbera keliya in ay go’aan ka gaari karto Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay xuska maalinta Haweenka Adduunka 8-da March oo uu kaga qayb galay guriga shaqaalada Dowlada ee magaalada Hargeysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.