Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass , kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan.

Kulanka waxaa labada masuul ay diirada ku saareen horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta doorka Mareykanka ee caawimaadda Soomaaliya, Dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Khayre oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa u qornaa sida tan “Wada hadalka aan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka waxa uu ahaa mid jawi wanaagsan ku soo dhamaaday, ujeedka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa caawimadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa jiray kulamo kale oo aan la yeeshay masuuliyiinta dalkan.”

6-dii March ee bishan Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka uga qeyb galay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlay Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirkaasi caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.