Koonfur Galbeed Oo Baareysa Dad Loo Qabtay Qarixii Ay Masuuliyiinta Ku Geeriyoodeen

Kadib qarixii shalay gelinkii dambe ay ku geeriyoodeen masuuliyiin ka tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa waxaa Maamulka Koonfur Galbeed uu wadaa baarista dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Walanweyn ayaa waxaa howlgallo ka sameeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay Gacanta ugu dhigaan dadkii ku lugta lahaa qaraxaas.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Gacma, oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in Ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgal ka sameeyeen Aagii uu qaraxa ka dhacay isla markaana ay jiraan dad la tuhmayo.

Waxa uu sheegay in weli ciidamadu ay wadaan baaritaano isla markaana waxyaabihii ka soo bax ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Afhayeenka sicad weli uma sheegin dad ay u qabteyn qaraxaas,balse wax auu sheegay in howlgalku uu socon doono ilaa Gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dameeyey qaraxaas ay masuuliyiinta ku geeriyoodeen.

Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii gaari ay la socdeen Wasiiru dowlihii Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Hir-Shabeelle ay Miino kula qaraxday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle isla markaana ay geeriyoodeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.