Kenya oo Ganacsatadda qaadka dalkeeda u ogolaatay inay la xaajoodaan Somaliland

Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka dalka Kenya ayaa shaaciyay in ay heleen Ogolaansho ku aadan in ganacsigooda ay kala hadlikaraan maamulka Somaliland, sidoo kalena ay qaad keeni karaan degaanada maamulka Somaliland.

Guddiga Ganacsatadda ayaa  sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda dalkooda ay ka heleen oggolaansho ah in ay arrimaha suuqa qaadka kala hadli karaan Somaliland.

Afhayeenka Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya  Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan heshiisyo iyo sidoo kale in ay xiriir ganacsi la sameeyaan maamulka Somaliland.

Ururka Ganacsatada Kenya ayaa doonaya in ay suuq cusub ka helaan Maamulka Somaliland iyada oo qiimaha canshuurta laga qaadanaya doonaya in hoos loo dhigo.

Maamulka Gobolka Meru ee uu Qaadka ka baxo mas’uuliyiintiisa u fasaxday in ay xiriir dhinaca ganacsiga ah iyo suuq u raadinta qaadka ah la yeelan karaan Somaliland.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya ayaa 2016-kii isku khilaafay arrimaha Qaadka ee Kenya ay keyso  Somaliland ka dib markii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Meru uu booqasho ku tagay Somaliland dowladda Soomaaliya oo aan ogeyn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.