Maxaabiis Libya laga keenay oo maanta Muqdisho laga soo dajinayo

Saacadaha soo socda ee maanta, ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo maxaabiis laga keenay dalka Libya, kuwaasi oo ay soo daysay dowladda Federalka Soomaaliya.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa 13 dhalinyaro ah oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.

Dhalinyaradaan ayaa xalay ku hoyday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, saaka ayaana lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sida qorshaha uu yahay dhalinyaradan waxa ay ku soo dhaweyn doonaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu soo celiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.