Maamulka gobolka Hiiraan oo amaro ka soo saaray Hubka sharci darada ah

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa amaro ka soo saaray Hubka sharci darada ah ee lagu dhex heysto magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in la kala saarayo dadka Hubka ku dhex heysta gudaha magaalada, si ammaanka loo sugo.

Wuxuu sheegay Cali Jeyte dadka hubka ku dhex heysta magaalada Beledweyne in ay yihiin kuwo isku difaacaya iyo kuwa ka tirsan ururka Al-shabaab, balse lagu kala ogaanayo marka uu maamulka bilaabo diiwaangelinta Hubka.

“Dadka shacabka ah ee hantidooda ku ilaashanaya Hubka waxaa laga doonayaa in ay iska soo diiwaangeliyaan Hay’adaha ammaanka, si warqad loo siiyo kadib waxaa la ogaan doonaa Hubka Shabaab ay magaalada ku heystaan”. Ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Beledweyne, iyaga oo ka feejigan falal ka baxsan amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.