SAWIRRO”Waxaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka furmay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlayo Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Bankiga Adduunka (World Bank) ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dejinta siyaasad la xiriirta horumarinta Nabadgelyada, si loo helo xal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Madaxa Bankiga Adduunka oo furay shirkan ayaa sheegay iney xoojinayaan taageerada la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa iska horimaadyada iyo rabshadaha, si loo gaaro himilooyinka lagu dhameynayo saboolnimada iyo kor u qaadida nolosha guud ee bulshooyinka caalamka.

Kulankan oo lagu casuumay madax ka tirsan caalamka iyo wakiilada heyaddo caalami ah ayaa waxaa Somalia uga uga qeyb galaya Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirkan caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.