Dhageyso+Sawiro:Madaxweyne Soomaliya oo Kormeeray Xeryo ciidamada

ciid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyaan qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ee kuyaalla Duleedyada magaalada Muqdisho.

Meelaha uu tagay madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka,sida Bangala,Janaraal Dhagabadan iyo meelo kale,isagoo ku dhiirogeliyay Ciidanka Xoogga Dalka in ay shacabku ka difaacaan Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.


ciid

ciid

ciid

ciid

farmajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.