Akhriso:-Goormee Muqdisho La Keenayaa Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Laga Soo Daayay Hindiya?

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in dalka lagu soo celiyo Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga soo daayay xabsiyo ku yaalla dalka Hindiya,isla markaana Muqdisho lagu soo celiyo balse uu dib u dhac ku yimid.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ay ka soo degto Diyaarad Sida Maxaabiis soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya.

Siideynta Maxaabiistaas ayaa ka dambeysay kadib heshiis horay u dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Hindiya,isla markaana Golaha Wasiirada dalkaasi Hindiya ay ansixiyeen.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa Muqdisho imaanaya Maxaabiistaas oo badankood loo heystay dembi ah in ay ka tirsanaayeen Kooxaha Burcad Badeeda soomaalida,waxana qorshuhu yahay in dalka la keeno ilaa 77 Maxbuus sida ay horay dowladdu u sheegtay.

Masuuliyiin isugu jira xildhibaano, Wasiiro iyo Ehelada ay dadkoodu ku xirnaayeen dalka Hindiya ayaa la filayaa in ay Maxaabiistaas soo dhaweeyaan kuwaas oo haatan ku wajahan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay dalka ku soo celiso dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka Itoobiya Hindiya iyo jasiirada Seychelles & liibiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.