Qaar ka mid ah Isgoysyadda Muqdisho oo wali xiran

Qaar ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoona dadka Shacabka ay lugeynayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada Ammaanka ay dadka Shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka.

Isgoysyadda xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarabuunka, Banaadir iyo sidoo kale meelo kale.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo baxeen digniino ku saabsan Ammaanka Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.