Maqal iyo Muuqaal:Raysawasaare Khayre waa sharci daro heshiiska Dekedda Berbera

Raysawasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalkii uu ku tagay isaga iyo wafdi balaaeran oo uu hugaaminaayay Dalka Imaaraadka carabta.

mudane Xasan Cali kheyre R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiis maamulka Soomaliland uu la galay shirkadda dhismaha dekedaha ee Magaceeda loo soo gaabiyo DP World iyo dowladda Itoobiya kaasoo ku aadanaa wadaaga dhaqaalaha kasoo baxa dekedda Magaalada Berbera oo ka mid ah dekedaha qaranka Soomaaliyeed.
R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali ayaa sheegay in aysan dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiiskaas u aqoonsan tahay mid wax kama jiraan ah daamaada Dowladda federaalku mas’uul ka tahay Dalka.

Hadalkaan R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xoojinaaya warsaxaafadeed Maanta ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha xukumadda Federaalka Soomaaliya.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.