Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaalkii maanta ka dhacay D/Balcad

Dagaal culus oo saacado dhowr ah qaatay ayaa Al-shabaab iyo ciidamada dowlada oo garab ka helaya AMISOM ku dhex maray dagmada Balcad ee gobolka SH/dhexe.

Dagaalka ayaa la sheegay in markii hore uu ka bilowday inta u dhexeysa isgoys iyo halka la yirahdo haanshiikh kidib markii Alshabaab ay wadada u galeen ciidamo AMISOM ah oo halkaas marayay.

Dagaal qaraar oo dhexmaray ciidanka AMISOM iyo Alshabaab ayaa sababay in ciidanka AMISOM ay  sameyeen dib u gurasho iyadoo dagaalka uu sii  xoogeystay waxaana markale AMISOM iyo ciidanka dowlada ay Alshabaab kula dagaalameen afaafka hore dagmada iyadoo  markii danbe Alshabaab ay usuura gashaya iney gudaha u galaan dagmada Balcad ee gobolka SH/dhexe.

AlShabaab ayaa la wareegay inta badan xarumihii uu ku shaqeynayay maamulka dagmada Balcad  sida saldhigii Booliska oo ay ka deeyeen wixii maxaabiis ahaa ee ku jiray  xaruntii dagmada oo ay ka qaateen Alaabo badan iyo meelo kale.

Sidoo kale Alshabaab ayaa la wareegay Idaacada ku taalay dagmada Balcad oo la yirahdo Radio Balcad waxaana Agaasimaha Idaacadaas oo aan qadka teleefanka kula xiriirnay uu sheegay in la qaatay dhamaan qalabkii Idaacada ay ku shaqeyneysay.

Al-Shabaabka ayaa gudaha u galay dagmada kadib dagaal kale oo ay la galeen ciidanka AMISOM ee daganaa dhabarka danbe ee Warshadii Dharka waxaana wararkii u danbeyay ee aan ka heleyno ay sheegayaan wali in halkaas laga maqlo dhawaqa Rasaasta.

Dagaalka manta dhex maray shabaab iyo ciidamada dowlada oo garab ka helay kuwa midowga Africa ee Nabad ilaalinta u jooga somaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaaro xoog leh inkastoo aan ilaa iyo hada la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.

Warar hor dhac ah oo la helay ayaa sheegaya in Alshabaab ay ciidamada AMISOM ka gubeen ilaa sidax gaari halka sidoo kale la sheegay in Alshabaab ay qabsadeen gaari nooca xamuulka qaada ah oo sahay u siday ciidanka AMISOM.

Dad ku sugan deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30 km u jira magaalada jowhar ayaa sheegay in xarun ciidanka AMISOM ay ku lahayeen halkaas la keenay Askar dhaawac ah.

Isu socodka Gaadiid Muqdisho iyo Jowhar ayaa xaniban iyadoo Gaadiid badan oo saaka kasoo baxay Muqdisho ay ku xayirmeen duleedka Magaalada Balcad.

Mas uuliyiinta dagmada Balcad ayaan ilaa iyo hada ka hadlin la wareegida Alshabaab ee dagmada waxaana la sheegay in Gudoomiyaha uu ku maqan yahay Magaalada Muqdisho halka ku xigeenada iyo dhamaan shaqalihii la shaqeynayay maamulka ay xili hore isaga bexeen Magaalada.

Dhinaca kale maamulka Gobolka SH/dhexe iyo kan Hirshabeele ayaan iyaga qudhooda ka hadlin xaalada kasoo cusboonatay Degmada Balcad.

Weerarka Al-shabaab ee manta ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka xooga dalka oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Haanshiikh uu sheegay iney soo afjareen howl galo lagu sugayay amniga wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad isla markaana loogaga hortagayay weerarada Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.