Wax Ka ogow Tacadiyada Axmed Madoobe Ku hayo Shacabka Jubbaland

madoobe

Iyadoo uu wali xasuuqa isir sifeynta ah ay ka socoto Magalada Kismayo ayaa waxa Dowlada Somaliya ee Xiligaasi jirtay oo uu Hogaaminayey Mudane Xasan Shikh Maxamuud Kismayo u soo dirtay Ciidamo Nabad Ilaalin ah oo ka socday Burundhi iyo Sriliyon Islamarkaana si hoose ula Socdo Dhacdooyinka ka dhacayo Magalada Kismayo, in kastoo Ciidamadaasi ay dhacdooyinka ka dhacayo Kismayo bixin waayeen islamarkaana ay ku adkaatay helista Macluumaad sax ah Dalka Sriliyon waxaa ka dilaacay Cudurka Ebola sidaasi darteed Dowlada Somaliya waxay dalbatay in Ciidamada Sriliyon laga saaro dalka si aysan bulshada Somaliyed u qaad siinin Cudurka Ebola, sidaasi darteedna waxaa Kismaayo laga saaray Ciidamadii Sriliyon ee qeybta ka ahaa Nabad Ilaalinta Amison ee Somaliya.

Kooxda Kaanbooni ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe oo horey uga mid ahaa Xubnihii Ururka Xisbul Islam iyo dhoodhoobayaal u taagan Magacyada Qabaailada dega Jubaland oo uu keensaday Axmed Madoobe ayaa sii watay Tacadigii ba’naa ee ay ku hayeen Bulshada Ku dhaqan Magalada Kismayo.

Sidoo kalana Kooxda Kaanbooniyiinta ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa Kismayo ka dhigtay Suuqa Ganacsiga dhuxusha iyadoo marka aad ka soo socoto Koontoroolka Baar caleen la arki jiray karoorka dhuxusha taalo Suuqa Caanaha ee Kismayo ama Dalacada Calanley. Balse markii danbe Axmed Madoobe ayaa dhuxusha u wareejiyey Koontoroolka V Afmadow ee Magalada Kismayo halkaas oo ka baxsan laamiga dheer ee Magalada si aysan u qaban indhaha wafdiyada kala duwan ee imaanayo Magalada Kismayo, iyadoo ilaa iyo hada ay dhoofinta dhuxusha uga socoto si waalan Magalada Kismayo, xiliyada ay imaanayan Wafooda Dowlada Faderalka Somaliya iyo Kuwa Beesha Caalamka Tekeda Weyn ee Kismayo. Waxaa laga dhaqi jiray Raadadka dhuxusha waxana dhaqi jiray xamaalatada dhuxusha ee Tekeda ka dibna iyadoo Nadiif ah ayaa waxaa imaan jiray kormeerayaasha iyo wafdiyada kala duwan ee soo garayo Kismayo.

Axmed Madoobe waxa uu iska gaday indhaha beesha calamka isagoo maro saaray gumaadkii shacabka Kismayo Wuxuna bilaabay in uu waji ka raadsado Mamulada ka jiray Dalka Sida Puntiland oo markaasi la xulufoobay sidoo kale wuxuu ka faaideystay qilaafyo soo kala dhex galay Galmudug State iyo Dowlada Faderalka Somaliya wuxuuna sii xoojiyey waji karaadsiga iyo u been hadlista Dowlad Goboledyada ugu danbayna wuxuu shirar ugu qabtay Magalada Kismayo isagoo sii adkaynayo Cilaaqaadka kala dhaxeeyo Mamulada Dalka.

Axmed Madoobe iyo Kooxdiisu waxay ilaaween la dagaalanka Alshabab iyo xoreynta qaar ka. Mid ah Gobolka Jubada Hoose iyo Jubbada dhexe marka laga tago Gudaha Magalada Kismayo iyo sadex toolo oo hoos timaado islamarkaana mida ugu dheer Magalada u jirto Qiyaas ahaan 35 KMT amaan kooda walow ay wali Magalada Kismayo ka socoto isir sifeynta guud ee Bulshada reer Kismayo.

Hadaba maxaa Iska Badalay Mamulka dhoob dhoobka ah ee Axmed Madoobe shanti Sano ee ay ku sugnaayen Kismayo?

In kastoo maalinba maalinta ku xigta ay sii badanayeen mucaaradka dhaliilsan Habka waalan ee uu wax ku wado Axmed Madoobe ayaa waxaa sii xigeystay Xariga Masaafurinta Hanjabaada iyo Dilalka Qorsheysan ee loo gaysanayo xilidhibaanada siyaasiinta odaayaasha dhaqanka dhalinyarada Iyo wariyaasha taas oo Axmed Madoobe uu ku danbabasayo shaacinta dhibaatooyinka ka taagan Mamulkiisa ugu danbeyna sababtay in Magalada Kismayo laga Masaafuriyo Sadex Xildhibaan Jubaland Tiro Odaal Dhaqameedyo ah Shan Wariye sidoo kalana ay gabi ahaanba isaga cararen Magalada Kismayo siyaasiinta iyo dadka wax garadka ah ee. Aragtida dheer waxayna taasi badal keeda noqotay in ay Kismayo ku kaliyoobaan kooxda Axmed Madoobe iyo tiro Xildhibaano iyo wasiiro ku shaqeeyo afkaarta Axmed Madoobe, kuwaas oo ka raali aha dhaca boobka iyo bililiqada joogtada ah ee loo geysto umada Degto Magalada Kismayo.

Maxaa ku dhacay Dowlada Faderalka Somaliya iyo beesha Calamka oo ay wax uga qaban waayeen arintaan.

Filo qormo dhameys tiran maalmaha soo socdo

by Wariye Saabir Abdulkadir Warsame

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.