SAWIRRO: Madaxweyne Waare oo Shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiiirada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Hirshabelle kaasi oo Ka Dhacay Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar  waxaana lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkaan 2018 uu ku shaqeyn doono maamulka, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Dowlad Goboleedkani uu yeesho Miisaaniyad uu ku shaqeeyo.

Shirkaani ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabelle ay Golaha Wasiirada u soo gudbisay Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto sanadkani, iyadoo ay  ka koobantahay  dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo Dowladda Dhexe iyo hey’adaha  caalamiga ah, miisaaniyada ayaa gaareysa wadarta guud  $ 8,556,34.

Miisaaniyadani ayaa inteeda badan ku bixi doonta dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka Dowladda Hirshabelle.

“Miisaaniyadda Dowladda Hirshabelle  waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash si cad u daahfuran oo isla-xisaabtan ku salaysnaan doona, waxaana Wasaaradda Maaliyadda ay Sameysay bilow saldhig u ah horumar dhinaca maaraynta dhaqaalaha, Hirshabelle waxay ambaqaadeysaa inay sii horumariso hay’adaheeda kale duwan, gaar ahaan kuwa maaliyada oo muhiimad weyn inoo leh. Sidaasi waxaa yiri  Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.