Ciidamada xooga oo Al-shabaab Saakay kala wareegay deegaanka Moqokori.

deg

Ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa Saakay aroortii hore waxay weerar ay ku qaadeen deegaanka Moqokoro ee Gobolka Hiiraan, deegaankaas oo horay ay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Xooga Soomaaliya oo sugan goobta ayaa ii xaqiijiyay in Moqokori ay kala wareegeen Al-shabaab oo mudo dheer ka talinayay.

Saraakiisha ciidamada la wareegay deegaanka Moqokori ayaa ka gaabsaday in hadda faafaahin ay ka bixiyaan khaasaraha ka dhashay dagaalkaas, laakiin waxay balan qaadeen in dib ay ka faafaahin doonaan warbaahinta khasaaraha ka dhashay dagaalkii sakaay ka dhacay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

La soco wixii warar ah ee ku soo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.