Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Qatar

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray Magaalada Doxa ee Wadanka Qatar.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Qatar ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyay halkaas,waxana uu shegay in uu dalka Qatar uga qeyb galayo shir lagu casuumay.

“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminayo Waxaan soo gaarnay Magaaladda Doha ee Dalka Qatar oo aan kaga qeyb gali doonno Shirweyne nalagu Casuumay,Waxaan u mahad celinayaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaan oo kaalin weyn ka qaatay soo dhoweynta naloo sameeyey.

Taliyaha weli wax faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin wax looga hadli doono shirka lagu casuumay ee uu uga qeyb geli doono dalka Qatar.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.