Maxaad kala socotaa Dhuxusha oo Kismaayo Si Aan Caadi ahayn looga Dhooofiyo”Sawiro”

dhuxul

Laga soo bilaabo xiligii Xogaga Alshabab ay la wareegeen gacan ku haynta Magalada Kismayo waxay u noqtay Xaruunta ganacsiga dhuxusha iyo Xaalufinta dhirta xiligaasi keydadka dhuxusha ee ku yaalay Magalada Kismayo ayaa ahayd halka loo yaqaano Dalacaada gar ahaan Suuqa Caanaha balse markii uu la wareegay Mamulka Axmed Madoobe horaantii 2013ka si aysan u arkin Madaxda dowladii xiligaasi jirtay ayaa waxaa loo wareejiyey Dhuxushii taalay Dalacaada ama Suuqa Caanaha Kismayo Koontoroolka V Afmadow ee Magalada Kismayo halkaas oo aan saarnayn laamiga Magalada Kismayo islamarkaana aysan

Arkayn indhaha Beesha calamka halka qaar ka mid ah dhuxushaasi loo raray halka lagu qalo geela ee u dhaxaysa dhagax dheerka koonfurta magalada Iyo Suuqa Xoolaha Kismayo.

Xiliyada Wafuudaha Ay imaanayan Magalada Kismayo laba habeyn ka hor Takada wayn ee Magalada Kismayo waxay ahaan jirtay mid lagu dhaqo Xamaalatada kala duwan ee Takada. Iyadoo markaasi la tir tirayo raadadka dhuxusha iyo wasaqdeeda si aysan u arkin Wafuudaasi baaxada dhuxusha Badashay Muqaalka Takada.

Kismayo waa meel halkii isbuucba laga raro ugu yaraan Afar Doomood oo dhuxul ah dhuxushuna waa dhaqaalaha koonaad ee uu Mamlka Jubaland ka helo Takada Magalada Kismayo.

In kastoo si dhumaalaysi ah loo dhoofiyo islamarkaana loo qariyo hadana waa mid ay wada og yihiin Buslshada ku dhaqan Magalada Kismayo.

Beesha Calamka iyo Dowlada Faderalka Somaliya ayaa Tuhun ka qabo in ay suurta gal tahay Dhoofinta dhuxusha Kismayo laakiinse arinta tuhunka ayaa waxaa booska ka saaraysa xaqiiqada dhabta ah ee laga helay Kismayo kaymaha fog fog ee ku yaalo Jubbooyinka ayaa ah kuwo ay ka nabaad guureen dhirta waaweyn sida Abaqa Ama Quracda iyo dhirta kale ee dhaadheer waxana kaymahaasi ku hayray oo kaliya dhirta gaagaaban oo laf ahaantooda inta salka leh ee loo arki karo in dhuxul laga sameyn karo ay ku socoto xaalufinta

Arintaan oo ah mid u baahan in si dhaqso ah wax looga qabto ayaa Sababi karto Dhibaato baahsan oo ku timaado Deegaanka Mamulka Axmed Madoobena la. Mariyo Ciqaabtiisa

dhuxul

dhuxul

dhuxul

dhuxul

dhuxul

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.