Madaxweyne Waare Oo Magacaabay Guddi Uu Ku Jiro Nin Kenyan Ah & Baarlamaanka…

Waxaa haatan soo baxaya khilaaf horleh oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada Maamulkaas.

Xildhibaanada qaarkood ayaa madaxweyne Waare ku eedeynaya in uu hareer maray Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle isla markaana uu Magacaabay xilal isaga oo aan latashiyo la sameyn Xildhibaanada Baarlamanka Hir-Shabeelle.

Xildhibaan Geelle Isaas Warsame oo ka mid ah Baarlamanka hir-Shabeelle ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu Magacaabay, xilal ay ka mid yihiin Taliyayaal ciidan iyo Guddi Madax Banaan kuwaas oo aan la horkeenin Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in ay iskudayeen in ay Madaxweynaha saxaan balse uu hadalkooda qaadan waayay,sidoo kalena Guddi uu dhawaan Magacaabay ee dhanka amniga ahna uu ku jiro Ruux u dhashay dalka Kenya oo Ajnabi ah sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare uu u muuqdo mid aan sharciga iyo Dastuurka ogoleyn sidaas daraadeedna ay ka tashan doonaan.

Sikastaba Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo la doortay 16 Bishii Setemper ayaa waxaa maalmaahan jiray Xildhibaano ku kacsan oo sheegayay in ay mooshin ka gudbinayaan,waxana wadadaan oo kale xilkiisii ku waayay Cali Cabdulaahi Cosoble

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.