Madaxweyne Farmaajo Oo Maalinta Xuriyadda Ugu Hambalyeeyay Shacabka Dalka Kuweyt

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaliyeeyay Amiirka iyo shacabka dalka Kuweyt sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegtay xurriyadda dalkas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxadda la qeybsanayaan walaalaha Kuweyt oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee xornimada ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida markasta ay uga go’antahay kor u qaadistiisa.

Madaxweynaha oo uga mahad celiyey shacabka iyo dowladda Kuweyt sida joogtada ah ee ay u garab istaagaan Soomaaliya, ayaa u rajeeyey horumar dheeraad ah iyo farxad waarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.