Dowlada Masar iyo Ururka iskaashiga Islaamka oo Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho.

Dowlada Masar iyo ururka iskaashiga islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qaraxyadii iyo weerarkii Habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Masar ayaa lagu yiri, waxaan ka xunnahay qaraxyadii argagaxiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho, dadka badanna ay ku geeriyoodeen, kuwaas bartil maamaydkoodu ahaa madaxtooyada soomaalya iyo xarunta ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu yiri, dowladda Masar markasta waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda soomaaliya, qaraxyadaasna maburburi doonaan hamigii dowladda soomaaliya ay ka laheed cirib tirka argagaxisada ayaa ku yiri war qoraal ah uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Masar Ahmed Abu Zeid.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay ururuka iskaashiga islaamka ayaa lagu cambaarayay qaraxyadii gilgilay caasimada Muqdisho ay ku dhintee dad ka badan 40ruux tiro intaas ka badane ay ku dhaawac meen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.