Ciidamada Illaalada Koontaroolada Madaxtooyadda Oo Feejignaan La Geliyay

Waxaa si wayn loo adkeeyay dhamaan Koontaroolada gaadiidka ay ka galaan Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaliya iyo xayndaabkeeda, kadib weerarkii habeenkii Jimcaha Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya.

Gaadiidka dowladda ee ka gudbaya Koontaroolada Madaxtooyadda Somaliya ayaa si aad ah loo hubinayaa, iyadoo ciidamada ku sugan Koontaroolada ay ku jiraan feejignaan heer sare ah.

Koontaroolada kala ah, Sayidka, tiyaatarka iyo Koontaroolka ku dhaw Beerta Nabadda, ayaa lagu arkayaa gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa yar yar oo feel dheer ku jira, kuwaasi oo mid mid loo hubinaayo, kadibna ay sii daynayaan askarta, gaarigii laga shakiyana dib ayeey u celinayaan ciidamada.

Ciidamada ayaa si aad ah u hubinaayo gaadiidka ay saaran yihiin askarta dowladda, maadaama raggii hubaysnaa ee Shabaab ka tirsanaa ee Jimcihii weerarka fuliyay ay gashnaayeen darees loo ekeysiiyay kuwa ay isticmaalaan ciidamada Booliska Somaliya.

Saxmadda ka jirta Koontaroolada Madaxtooyadda ayaa si aad ah loo dareemayaa, marka sheeda kore laga eego qaabka gaadiidka ay u buuxaan Koontaroolada oo ciidamada ay u hubinayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.