Akhriso Warbixin Laga sameeyey Dulmiga,Dilalka Masaafurinta Axmed Madoobe kuhayo Shacabka Jubbaland

madoobe

Waa Maalin Jimco ah Bisha Feebaraayo tahay 23 Sanadka 2018 wax yaabaha aad qormadan kaga bogan doontaan waxaa ka mid ah Dhaca, Dilka, Isu ekaanshaha alshabab , Masaafurinta Inta uu la egyahay Dulmiga Gaamuray Sinji kala sooca Musuqmaasuqa Awooda qabiilka hubeysan iyo wax yaabo kaleeto.

Dhaca heerka ay ka marayso Kismayo Ciidamo Sheegto Magaca Jubaland islamarkaana aaminsan Wadaadka loo yaqaano Axmed Madoobe oo horey u ahaa hogaamiyaasha Xisbul Islam walina aysan cadayn meesha uu kaga tanaasulay fikradii Kooxdiimeedyada ayaa dhaca ugu balaaran u geysto maatada iyo dadka ka soo jeedo qaabaa’ilaadka yar yar ee aan Awooda lahayn waxayna si cad isaga dhaga tiraan dhaca bareerka ah ee ay geystaan iyadoo boobka ugu badan ay ku qataan la wareegista guri shaqsi leeyahay ama hanti dhuleed oo sharciyeysan umana aabo yeelaan Somaliga ay ku dulminayaan hantidiisa halka Mas’uulka ugu sareyo Jubaland uu u ansixiyo warqadaha beenta ah ee ay u soo gudbiyaan askarta la haybka ah iyo qaraabada ka ag dhaw dhaw ee geestooda hantida shacabka Somaliyed ee dulman ka boobo.

Kismaayo waxaaa ka socdo Xasuuq Shacab dadka ku nool deegaanka Kismaayo ayaa ku jiro xayndaab waxayna ku tusaysaa marka aad aragto sida ay isugu dhaw yihiin dilalka qorshaysan ee loo geysto in dadku ay yihiin kuwo ay leeyihiin Biniaadam islamarkaana isku xiran oo midkii la doono kurka laga jaro Mas’uuliyiintu kama hadlaan dhacdooyinkaasi oo aan ahayn kuwo mar mar dhaco ee ah joogto indhaha Shacabka Kismaayo ay ku daalee.

Dhibaatada dilka ee ugu badan Qabaailaadka lagu hayo ee ah dadka aan inta badan loo hadlin ee la hoganayo xanuunka loo geysto waxaa ka mid ah. Beesha Jareer Weyn. Tuni. Biyo maal. Cowra mala. Gaaljecel Sheikhaal. Baajuun. Carab saalax. Raxanweyn. Mashuunguli.

Dilka waxaa beelahaan u dheer dhaca iyo boobka loo geysto hantidooda sida beeraha dhulalka guryaha mana jirto cid u doodo islamarkaana wax iska waydiiso dhibaatada ay lagu hayo dadkaasi sidoo kale dilalka ayaa waxaa loo geystaa beelo ay inta badan ka cabsadaan in mustaqbalka dhib kaga yimaado waana Mareexanka iyo Majeerteenka iyadoo qabiilka mareexan ay ku waayeen Kismayo naf iyo maal maalin kastana usha nacabku ay tahay mid hortaagan.

Mamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe waxaa inta badan la iska waydiiyaa hab dhaqanka foosha xun iyo caga juglaynta bulshada uu ku hayo handadaadka afduubka iyo qaarajinta hoose baqdinta bulshada uu ku hayo iyo caburinta gaar ka ah.

Tarxiilka aan loo Meel dayin ruux joogo dhulkiisa hooyo

Kismaayo waa Magaalo Somaliyed islamarkaana dhumay maqamkii iyo Muunadii ay ku lahaan jirtay Magaalooyinka Dalka Ka dib markii ay si toos ah ula wareegeen Jifada uu Madaxda u yahay Axmed Madoobe taas oo isu badashay Magaalo laga masaafuriyo Muwadiniinta Somaliyed kuwooda hal doorka ah ee soo gudbiyo aragtida Muhiimka u ah dalka waxana inta badan la masaafuriyaa Waayo araga loo fahmo in uu wax wanaagsan keeni karo.

Inta uu la Egyahay Dulmiga gaamuray ee Lagu hayo Shacabka Kismayo

Baaxada Dulmiga baahsan ayaa kor u sii kacayo Kismayo dadka geysanayo dhibaatada dulmiga ayaa isugu jiro ciidan Huwan Shaatiga Jubaland islamarkaana Wato Magaca Jubaland iyo Shacab ka ag dhaw dhaw Askarta dhibaatada dulmiga gaysto iyo Axmed Madoobe hooyo Somaliyed dhalaan yar yar agoon iyo dadka jilicsan ayeyna qabsataa dulmiga
Ugu ba’an ee lagu hayo dadka ku nool. Magalada Kismayo waxaad Kismayo ku arkaysaa guryo cagaf cagaf dabada loo galinayo kuwaas oo duminta ka dib uu la wareegayo shaqsi sito shaarka dowlad ku sheega Jubaland islamarkaana warqad been ah ka soo qaato xaruunta degmada Kismaayo ugu danbeyna uu u soo saxiixo Madaxweynaha Beesha reer Warfaa ee u raran magaca dowlada Jubaland Masuuliyiinta Magac u yaalka ah ee Jubalnd ma hadlaan sababo jiro darteeda.

Waxaa Magalada Kismayo ka socdo sinji kala sooc balaaran taana waxaa xaqiijinayo dadka deegaanka oo xaqiiqdii wax aysan aqoon jirin lagu abuuray Kismayo marka aad soo gasho ama ka baxayso waxyaabaha layaabka leh shaqsi kasta waxaa si hoose loo waydiiyaa qabiilkiisa cidii markaasi aan ahayn awooda koobaad ee Mamulka Marooqsiga ah ee sheegto Magaca Jubaland ayaa Xabsiga la dhigaa ilaa djibaatooyin kala duwan loo gaysto amaba la meer meeriyaa oo laga lumiyo howlaha shaqsigaasi waana dhibaatada ugu daran ee xad intaasi gaarto in qof Muwadin ah oo joogo Magaalo uu ku dhashay ay Ciidamo waydiiyaan qabiilkiisa.

Gaadiidlayda iyo Ganacsatada Kismayo waxay dhamaan bixiyaan Waxa loogu yeero Canshuurta taas oo uu ka qaado Mamulka Reer Warfaa ee ku Hagoogtay Magaca Jubaland iyadoo Ganacsada kala duwan ayaa waxaa loo qeybiyey 5shan nooc oo lacagta looga qaado. A. B. C. D. E
ganacsatada A ayaa bil kasta bixiyo lacag dhan $200 dollars halka ganacsatada B ay bixiso $150 oo canshuur ah Sidoo kale C ayaa laga qadaa $100 dollar D waxay bixisaa $80 dollar. Halka E laga qaado $60 dollar gaadiidlayda gaariga loo yaqaano Blka waxaa subax walba laga qadaa 20 kun shilin somali ah waxana howlgasho in ka badan labo kun oo Bl taasi oo ay u dheer tahay lacago si baad ah looga qaado gawaarida yar yar ee taxesta ah ayaa lacago laga qadaa sodoo kale ha sheegin gaadiidka waaweyn
Lacagahaasi dhamaan waxa ay ku dhacaan bangiga dowlad ku sheega mana jirto wax lagu daboolo baahiyaha Dadka deegaanka sida Adeegyada Arimaha bulshada Caafimaadka Waxbarashada Nadaafada iyo Biyaha waxana daqliga ka soo xaroodo Ganacsatada iyo gaadiidleyda jeebka ku rito Madaxweynaha Jubbaland kaas oo la aado meelo aan munaasab ahayn islamarkaana ku gubo diyaarad raacis iyo ku tumasho hotel faytaan iyo u faraqis qabiilka uu ka soo keedo Axmed Madoobe.

Hal qabiil ayaa Xoog ku haysto Mamulka Jubaland gaar ahaan jifo ka mid ah beesha ogaadeen oo loo yaqaano reer Cabdile Waliba reer Warfaa waana taas mida ka dhigtay Jubaland mid u dhitiso dhawac aysan ka kici karin waayo far kaliya fool ma dhaqdo waxana ay beeshaasi sameeyaan wax kasta oo ay rabaa kuna bur buriyaan awoodaha qabaailada yar yar si looga cabsado islamarkaana ay u sii ahaadan xukunka aan lagu waari doonin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.