Soomaliya oo lagu eedeeyay in ay si xun ula dhaqanto Carruur ku xeran Xabsiyada Dowlada.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo maanta warbixin soo saartay ayaa dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ku eedeysay in ay si xun ula dhaqmaan carruurta la xiro ee qaarkood looga shakiyo in ay Al-Shabaab yihiin.

Hay’adda waxay laamaha amniga ee Puntland iyo kuwa dowladda federaalka ah ku eedeysay in aysan caruurta u ogolaan in ay arkaan waalidkooda ama qareennada u doodi lahaa.

Warbixinta oo ka kooban 85-bog ayaa waxaa cinwaanna looga dhigay, “Waa Sida Inaan Marwalba Ku Jirno Xabsi”: Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Wiilasha Lagu Eedeeyay dambiyada Ammaanka Qaran ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kal hore ballanqaaday in ay si degdeg ah carruurta ay qabatay ugu wareejinyso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka (UNICEF) si dhaqan-celin loogu sameeyo., Haseyeeshee Hay’addu waxay ku eedeysay dowladda in ballan qaadaakaasi aysan uga so bixin sidii la rabay.

”18-kii Janaayo 2018, dowladda Soomaaliya ayaa 36 carruur ah ka qabatay Al-Shabab, waxaana ay qaadatay muddo todobaad ah iyo faragelinta Qaramada Midoobay iyo kooxaha u dooda xuquuqda carruurta si loo dejiyo hannaan lagula tacaalayo carruurtaasi”, ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa sheegtay inay waraysatay 80 canug oo ka tirsanaan jiray Al-Shabab, wiilal lagu xiray xarumaha booliska iyo sirdoonka, qarreenno, dadka u doodda xuquuqda carruurta iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tan iyo sanadkii 2015 maamullada ka jira guud ahaan Soomaaliya ayaa xiray boqolaal wiil oo looga shakiyay inay si sharci darro ah ugu biireen Al Shabaab.

Waxay intasi ku dartay in laamaha sirdoonka, gaar ahaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida (NISA) ee Muqdisho iyo Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIS) ee Bosaaso ay gacanta ku dhigaan wiilasha la soo qabto.

”Hay’adahaasi ayaa go’aansada qaabka ay u kala qeybinayaan carruurta, mudada ay xirnaanayaan iyo haddii ama goorta ay ku wareejinayaan UNICEF. Waxaa aad u kooban dusha kala socoshada madaxa bannaan ee hannaanka baaritaanka iyo goobaha ay carruurta ku xiran yihiin.”

Carruurta ay hay’adda u sheegay in lala xiray dad waaweyn, ayna xaalad adag ku sugnaayeen maalmo, ayagoo aan arag ehelkooda.

Wiil 15 jir ah oo lagu qabtay hawlgal ballaaran oo dhacay 2017, muddo todobaadya ahna sheegay inuu xirnaa NISA ayaa yiri: “Habeenkii ma seexan karin, maadaama uu qolku ciriiri ahaa. Waxaa i hayay madax xanuun daran, balse ma helin wax daawa ah.”

Human Rights Watch ayaa ku talisay in hawlwadaagayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ay xoogga saaraan sidii loo heli lahaa hay’ado rayid ah oo dusha kala socda kiisaska carruurta, ayna kormeerayaal madax bannaan tegi karaan dhammaan xabsiyada, iyo inay ku baaqaan in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, gaar ahaan kuwa ay geystaan saraakiisha sirdoonka.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland wali kama aysan hadal eedeyntan u dambeysay ee ka soo yeertay Human Rights Watch.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.