Sawiro”Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaaray

turkey

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Cawuşoglu ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho,waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu horkacayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Garoonka diyaaradaha Adan cade ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga iyo Wafdiga uu hogaaminayo.

Soo dhoweyn ka dib,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doono madaxda Dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.