DEG,DEG Maamulka jubbaland ayaa xabsiga u,taxaabay ganacsade Miir Yusuf oo kamid ah gacan,satada magaalada kismaayo.

Ganasade miir yuusuf ayaa xadhigiis waxaa amar kubixiyay madaxaweynaha maamulka jubaland axmed maxamed islaam (axmed madoobe) kadib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada kismaayo gaar ahaan madaxtooyada jubbaland.

Taas oo keentay is,maan dhaaf ka dhashay kulan kooda kadib markuu axmed madoobe ku hanjabay in uu dilayo c/fitaax miir yuusuf oo uu dhalay ganac,sade Miir yusuuf.

C/fataax Miir yuusuf oo kamida saraakiisha ugu sar sareeyso ee ciidanka jubaland ayaa dhawaan hogaaminayay ciidamo la goostay sadex Gaadiid oo ah nooca dagaalka kuwaas ka soo horjeeda hab maamulka axmed madoobe.

Sida ay noo xaqiijiyeen Ehelada Ganac,sade Miir Yusuus ayaa hada waxa uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada kismaayo waxa uuna xadhigiisa salka ku hayaa qilaafka uu dhaxeeyo Axmed madoobe & C/fataaf miir yuusuf.

Magaalada kismaayo ayaa saaxiib la noqotay cadaalada darada iyo dulmiga loo geysto shacabka & ganac,satadad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.