Maalinta Ciidamada Asluubta oo la xusayo.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo wareegatay Markii la aas aasay Ciidanka Asluubta.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa horay u sheegay   in Ciidamada Asluubta ay ku sugan yihiin daruufo marka loo eego ilaalinta xabsiyada ay gacanta ku hayaan iyo Miisaaniyad weyn oo Dowladdu aysan ugu talagelin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

22 febaraayo ayaa la xusaa Aasaaska ciidamada Asluubta sanad walba.

Ciidamada Asluubta ayaa shaqadooda waxa ay tahay ilaalinta Xabsiyadda, Agoonta iyo Daryeelka Maxaabiista

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.