Taliyaha Cusub Ee Nabad-Sugida Soomaaliya Oo Xilka La Wareegay

Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo, ayaa waxaa xilkii Taliyaha NISA si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub oo maalin ka hor la soo magacaabay.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro ayaa goobjoog ahaa madaxa xafladda xil wareejinta ay ka dhaceysay.

Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa balan qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan ad adeeg iyo isbedel la taaban karo.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.

Nabad Suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa Ku sime Taliye ka ahaa C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) balse maanta si rasmi ah taliyaha cusub ayaa xilka ula wareegay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.