Ciidamada Badda Soomaaliya oo markii ugu horeysay bur-burkii kadib ka qayb galay dhoolatus Caalami ah oo ka dhacay Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxa ey ka qey qeygaleen markii ugu horeeysay dhoolatus ey si wadajira uqabeen Wadamada Ka Saaran badweeynta India dhinacyada bariga iyo Galbeedka iyo Taliska Ciidamda mareeykanka ee Qaaradan Afrika.

Dhoolatus badeedkana ayaa sanadkan waxaa saldhig u ahaa oo laga qabanqaabiyay Saldhigga Ciidamada Mareeykanku ey ku leeyihiin Jibuuti waxaana ka qeygalay Ciidamada Mareeykanka kuwa ka socda Midowga Yurub iyo waliba Ciidamada Wadamada badweeynta India kasaaraan dhinacyada Bariga iyo Galbeedka.

Dhooltuskan ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhacay qeybo kamid ah badda soomaaliya iyo badaha wadamada Kale ee ka qeybgalay iyo waliba Biyaha Caalamiga ah.

Ciidamada Badda soomaaliya oo sameyn xoogan uu ku yeeshay burburkii dalka ka dhacay ayaa waxa ey markan umuuqdaan in ey kasoo kabsanayeen dhibaatadaa ey qeybtooda ka qaadeen ee guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gadaal udhigtay.

Ciidamada badda soomaaliya ayaa shaqooyinka ugu horeeyay ee la filayo in ey wax ka qabtaan waxa kamid ah dhibaatada Ajaanibta Maaldoonka ah ey ku hayaan badaha soomaaliya kuwaa oo sanadkiibaa Malaayiin Dollar Kalluun qiimihiisu ku fadhiya ka Jilaabta xeebaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.