Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Gaari Siday Hub Iyo Waxyaabaha Qarxa

Kenya ayaa xaqiijisay in qeybo ka mid ah Gobolka Isio ee dalka Kenya lagu qabtay Gaari siday waxyaabaha qarxa iyo Hub kaas oo ka soo galay dhanka Soomaaliya.

Maamulka Magaalada Isio ayaa sheegay in Gaarigas uu siday Bambooyinka Gacanta laga tuuro,Miinooyin, Qoryo iyo sidoo kale Mindiyo Afeysan,isla markaana ay la socdeen dhaq dhaqaaqa Gaarigiisa.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Gaariga ay la socdeen laba Nin oo Kenyan ah oo baxsaday mid ka mid ahna lagu Magacaabo Cabdimajiid Xasan sidoo kalena ay saarnaayeen waxyaabo Kiimiko ah oo la doonayay in qaraxyo lagu fuliyay.

Gobolka Isio ee dalka Kenya ayaa waxaa haatan ka socda howlgal ay wadaan Booliska kaas oo ay ku baadi goobayaan dadkii waday Gaarigaas qaraxyada iyo hubka siday.

Sarakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay ka feejigan yihiin weeraro ay Al-Shabaab ka geystan gobolka Waqooyi Bari Kenya,waxaana heegan la geliyay ciidanmada kala duwan ee Kenya tan iyo wixii ka dambeeyay aroornimadii hore ee Jimcihii shalay kadib markii Al-Shabaab ay Saddex macalin ku dileen weerar ay ku qaadeen Iskuul ku yaalla magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.