Jarmalka oo gacanta ku dhigtay Muwaadin Soomaali ah oo lala xiriirinayo Al-shabaab.

Saraakiisha dalka Germany ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku eedeyeen inuu xiriir la leeyahay dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Dacwad ogayaal federaali ah ayaa sheegay in ninkaan gacanta lagu soo dhigay Khamiisti isagoo ku sugnaa gobolka Hesse ee bartamaha Germany.

Dacwad oogayaasha ayaa bayaan ay soo saaren ku sheegay in muwaadin kaan  lagu magacaabo Cabduqaadir,marka loo eegay sharciga wadankaas in uu la kulmi karo dhibaatooyin culus.

Waxaana la ogaaday inuu damacsana inuu dil ka geesto wadankaasi ama dambiyo kale oo la xiriira argagexisanimo.

Sanadkii 2012ka ayuu ku biiray Al-shabaab uu tababar la qaatay waxana uu qeyb ka ahaa dilka mid kamid ah shaqsiyaad iyagoo masjid kasoo baxaya lagu dilay Soomaaliya.

Sidoo kale wiilkaan ayaa isku dayay inuu khaarijiyo xildhibaan ka tirsanaa Golaha shacabka oo ka badbaaday.

Xarakada Al-shabaab ayaa cabduqadir u qabatay inuu ku fashilmay dilka xildhibaankaasi,markii dambe uu kasoo baxsaday ayuu u safray Germany sanadkii 2014ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.