Wasaarada Tamarta iyo Biyaha oo ka hadashay biyo la`aan ka jirta qaar ka mid ah gobolada dalka.

Saalim Caliyow Ibroow wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukumada Soomaaliya ayaa ka hadlay Biyo la`aanta ka jirta dalka Soomaaliya, wuxuuna wasiirka tilmaamay dhibaatooyinka ka dhashay Biya la`aanta ay saameysay bulsho badan oo Soomaaliyeed.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa baaq u diray Haay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka in ay gacan ka geystaan dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay  in ay lagama maarmaan tahay in haay’addaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samatra bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la,aanta.

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara qaar ka mid ah Gobolada dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.