Ciidamada Kenya oo iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dhuxusha laga dhoofiyo M/Kismaayo.

dhuxul

Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar ah in tekedda magaaladda Kismaayo laga dhoofiyo Dhuxul ayaa Ciidamada Kenya ee kusugan Magaaladda Kismaayo waxay iska Fogeeyeen in ay wax ka ogyihiin dhoofinta dhuxusha ee Tekedda kismaayo.

Waxaa la sheegay in ka badan 20 doomood ay magaalada Kismaayo ka qaadeen dhuxul ay u qaadeen dhinaca Dekedo ku yaaala Wadamadda Cuman, Iran iyo Imaaraadka carabta.

Masuuliyiin Military Kenya ayaa beeniyay in ciidamadoodu ay ku lugleeyihiin Talaabooyin sharci daroo ah.

Col. David Obonyo oo ah afayeen ka Ciidamadda Kenya ayaa Wargeyska Business Daily waxaaa uu usheegay in Ciidamadda Kenya ay si toos ah ugu lug lahaayeen ilaladda Dekedda Magaaladda Kismaayo, sidaa darteedna wuxuu shegay in aysan ku lug yeelan Karin Dhoofinta dhuxusha.

“waan arkay sawiradda oo u muuqday in yihiin kuwo horay looqaaday oo looga soo horjeedo siyaasiyiin maxali ah” sidaas waxaa yiri Col David Obonyo.

Wuxuu meesha ka saaray in Ciidamadda Kenya ay sinnaba ugu lug leeyihiin Dhuxul laga dhoofiyay Magaaladda Kismaayo.

Afayeenku masuusan beenin in dhuxul laga  dhoofiyay magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland laakiin wuxuu beeniyay in Ciidamadda qayb ka yihiin dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.