Al-shabaab oo madaafiic ku garaaceen deegaanka Ceel-raam Kenya.

Wararka laga helaayo deegaanka Ceel-raam oo dhaca waaqoyga bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay korortay khasaaraha ka dhashay madaafiic xalay lagu garaacay fadhiisimo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Inkastoo oo si rasmi ah aan loo xaqiijinin khasaaraha dhabta ah inta uu la egyahay laakiin dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaaro soo gaaray ciidamada Kenya ee weerarka lagu soo qaaday, waxaana sidoo kale dadka sheegeen in ciidamada Kenya ay qariyeen khasaaraha soo gaaray.

Saraakiisha Ciidanka Militeriga Kenya oo saxaafada la hadlay wuxuu qiray in ciidamadan la weeraray ay ka war hayeen in weerar ay ku qaadi doonaan dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana sidoo kale ay xaqiijiyeen in tirto madaafiic ah ay ku garaaceen deegaanka Ceel-raam ee dalka Kenya, waxayna ka gaabsadeen khasaaraha ka soo gaaray werarkaas madaafiicda ah.

War kasoo baxay  Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu qaaday saldhigga Ceel-Raam uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Kenya, islamarkaana ay si rasmi u beegsadeen Saldhigga ciidamada Kenya.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay diiradda saareen weerarrada gobollada Kenya ee ku yaalla  xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya  iyo Kenya.

Waxaana sii kordhaya cabsiga soo food saareysa dadka dagan Gobolada dhaca xadka ay wadaagaan Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.