DEG DEG:-Dagaal Ka Socda Duleedka Degmada Balcad

deg

War Goordhow soo gaaray ayaa  sheegaya in meel  u dhow tuulada gololeey ee degmadaasi Balcad uu ka socdo dagaal culus.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan kuw AMISOM iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lala eegtay qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah isla markaana ay xigtay rasaas xooggan oo dadka deegaanka ay maqlayeen.

Dagaalka ayaa sigaar ah wax auu uga socdaa deegaan lagu Magacabo Ilbaq oo u dhaxeeya Tuulada Gololeey iyo Ceelka Geeloow oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya.

Weli macada khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Wixii ku soo kordha halkaan kala soco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.