Ciidamada Milatariga oo la wareegay deegaano iyo degmooyin ku yaala Sh/Hoose.

ciidan

Wararka ka imaanaya deegaano iyo degmooyin ku yaalo gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay aroortii hore ay Howgalo ka bilaabayn Ciidamada Soomaaliya degmooyin ay Shabaab ka taliyaan oo ku yaala gobalkaasi.

Howgalka ayaa laga sameeyay Ow-dhiigle, Qoryoolay, Mubaarak iyo meelo kale waxaa dhamaan la sheegay in ay qabsadeyn Ciidamada Milatariga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Maraykanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada DANAB oo howlgalkaan hogaaminaya ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in ay qabsadeyn Tuulada Mubaarak iyo qayba ka mid ah Owdhiigle oo shabaab ku sugnaayeen, al-shabaab ayaa la sheegay in ay xalay ka baxeen deegaanadaasi, waxa ayna sidoo kale xalay furtayn Idaacad ugu tiilay Mubaarak.

Sidoo kale Ciidmada AMISOM iyo Ciidamo lagu sheegay Local Police oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa saakay ku jirmaaday degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelaha Hoose, deegaano ka tirsan Qoryoolay.

Goobaha ay Ciidamad qabsadayn waxaa ka mid ah Xero. 1-aad iyo Xero 2-aad sidoo Kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay qabsadeyn Tuulooyinka Arimooy, Durgaal iyo saldhigii ugu weynaa ee Al-shabaab oo la sheegay in uu ku yaalay deegaanka Doon-buraale ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobalka shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in howlgalka uu sii socon doono, waxaana wararku ay sheegayaan in ay Al-shabaab ka baxeyn deegaano iyo degmooyin ka mid ah gobalka oo aysan wali gaarin Ciidamada Huwanta ah.

Goobaha la sheegay in ay Al-shabaab ka baxeyn oo aysan Ciidamada Gaarin waxaa ka mid ah Degmada Kuntuwaarey iyo Janaalle oo ay muddo dheer ka talinayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada Qabsaday Owdhiigle ayaa la sheegay in garoon ku badda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaala degmadaasi ay kula hadleen dad kooban oo ku sugan Owdhiigle, waxayna dalbadayn in ay shacabka is dejiyaan, lana shaqeeyo Ciidamada amaanka.

Lama oga halka uu ku egyahay Howlgalka ay maanta Ciidamada Huwanta ah ka wadaan gobalka Shabeelaha Hoose, Ciidamada Dowlada ayaa hore u qabsaday degmooyinka ay maanta Howlgalka kawadaan balse markii dambe ay dib ula wareegeyn Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Goobaha maanta lala wareegay ayaa in uusan ka dhicin dagaal waqti qaatay, waxaana la sheegay in ay Dagaalamayasha Al-shabaab ka baxeen goobaha ay hada gaarayn Ciidamada Xoogga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.