Wasiirkii hore Warfaafinta Ciilmooge oo hormuud u noqday ololaha is bedel doonka ee Maamulka Axmed Madoobe

ciilmiige

Kulankan ayaa waxaa hormuud u ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii sanadkii hore dhacday

Qatar ka mid ah Waxgaradkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uu ku fashilmay howlihii loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay inuu is bedel ka dhaco.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Xildhibaano ka tirsanaa Jubbaland oo laga soo tarxiilay KIsmaayo, kuwaasoo sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn looga qaaday xasaanadoodii Xildhibaannimo.

Guddoomiyaha Xisbiga Is bedel doonka Soomaaliyeed ee XIIS C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan deegaanada Jubbaland, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in wax laga qabto arrimaha ka jira deegaanada, oo uu tilmaamay in aan waxba laga qaban.

Waxaa uu sheegay in mudadii uu xilka hayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku fashilmay hoggaaminta maamulka, xilligan loo baahan yahay is bedel ka dhaca deegaanada Jubbaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.