Bahdilka taariikhda iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

jim

Waxaa hubaal ah in mudo aan dhaweyn ummadda Soomaaliyeed in la duleeye Qorshaha cadawgu ahaa ee ku sineyd markii cariga Afrika gumeystihii caddaa qabsaday,waxaana u sabab ahaa in dal aad weyn iyo xeeb aad u dheer oo ay ku noolaayeen dad yar oo isku isir ah,isku af ah ,isku dhaqan ah haddana isku diin ah oo wada muslim ah.Taas ayaa u sabab ahayd in kun iyo sideed boqol iyo sideetan iyo afartii(1884) naloo qaybiyo shan qaybood ,ayyada oo qayb kasta loo dhiibey dadyoow kala duwanaa oo dhaqan,af,isir iyo diin midna aanaan wadaagin,ujeedaduna ahayd in nala ku sameeyo dhalanrog oo aan ku millano dawladahii nala hoos geeyey oo caddaan iyo madawba naga tiro badnaa si dhulkeena loo siiyo kuwa aan deriska nahay ee ilaa hadda qaar haysta,

Inta aana ujeedada u daadegin aan u mahad celiyo wax garadkii Soomaaliyeed ee waagaa talinaayey ee loo awooda sheegtay oo aan haysan fursadaha aan maanta haysano hanti iyo aqoonba eek u mintiday in ayyan kala go,in,dhaqanku lumin,diinta islaamka ilaaliyey,midnimadooda iyo isirkoodana marna qalbiyadooda ka bixin iskana warqabey oo aragtida Soomaalinimadaa wadaagi jirey.Haddaba dadaalkoodii waxaan u sababeeyey Taariikhdii Axmed Gurey oo khalbiyada ugu jaxaasneyd ama ugu jirtay(AUN), ayyad oo dabayaaqadii qarnigii 19NAAD Daraawiishtii Maxamed Cabdule Xassan (AUN)dabkii gobanimadoonka iyo midnimada Soomaaliya shiday meel aan la iloobi karina uga dhintay.
Waan gaari doonaa waxaan u socdee wanaagii ay islaanimada iyo ummadda Soomaaliyeed u qabteen baa calaacasha la saari waayey khalbiyadayadana ka go,waayey ee cadawga ummadda Soomaaliyeed iyo biiri qaataha dubka Soomaaliga ka ahaa in ay khariyaan bay isku dayeen Allese kama dhigin.

Dulucda inta aanan u dhaadhicin aan iraahdo axsaabtii gobonimadoonka ee SYL iyo SNL ee shanti Soomaaliyeed ku guuleystay in kacdoon isku mid ah gaarsiiyaan nooga tegey Jamhuuriyadii Soomaaliya lab aka mid ah shanti qaybood isku keenaan waxaa sahley halgamadii ka horeeyey,waxaa kale aan la iloobi Karin Kacaankii 21KII Octoobar 1969KII ee aan dhiigu ku daadan in uu dhaco in ay sabab u hayd dhabahii halganka ummadnimada Soomaaliyeed oo laga weecday,sooyaalka aan sare ku soo sheegay baa dhiigayaga ku milmay baa mar kasta ummadda ku hogaaminaayey in aan wadada laga bayrin.

Intaas dadaalka iyo isbadbaadinta aan ku jirney duleynta iyo isirtirka waa nala ku weday waxaana tabcadii ugu xumayd nala ku dhuftay 1991kii maalintiisii kowaad ee ahayd maalin Axad ah.
Dhibaatada dadkayaga la dhedhegay ee goonigoosad iyo federal ka sii qaabxun,waxaa ka sii daran in warbaahinta dawladu ayyan lahayn saxid iyo faafreeb oo xumaynta taariikhda Soomaalida loo adeegsado,kuwa gaarka loo leeyahana iskabadaa waa ku shubo.
Aan ku soo gunaando waxa qormadaan ii geeyey ,waxay ahayd 8DII feebaraayo,markii dawlada maanta talisaa sanad jirsatay,waxaa laga sheekeeyey sooyaalkii taariikhda halganka Soomaaliyeed,Axmed Gureey iyo Siyyid Maxamed lama xusin,SNLna la soo qaadin,aasaasihii SYL waxaa laga dafirey Yaasiin Xaaji oo nin kale baa la siiyey in uu maskaxda lahaa, waxaa ka sii darneyd in kacaankii Oktoobar 1969kii la yiri waxaa hogaminaayey COL.Gabayre ,waxaan dhawr jeer oo hore arkay ayyada oo qorista afka Soomaaliga inta Shire Jaamac iyo Muuse Galaal laga tilaabsaday rag kale
Lagu amaanaayo.
Fadlan yaanaan cadawga ka shaqeynaaya baaba,ayaga loo adeegin,oo biiriqaate la garayey kharash la,aan iyo warbaahinteenu u shaqayn,Dawlada iyo wasiirka Warfaafituna warbahinta dawlada ha ka warqabeen oo faafreed iyo taftire lagala xisaabtamo barnaamijda ha la sameeyo,dhaawaca damiirka wadanigana naga daaya.
Wabilaahi Towfiiq,
Cabdullaahi Jimcaale Faarax.London

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.