Booliska Afgooye oo Ka warbixiyay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Degmadaas.

Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska Ciidanka Booliiska ee Degmada Afgooye ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkaas Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye weerarka ayaa inta laxaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah, iyadoona weerarka ka dib ciidamada Amniga, ey qeyb ka mid degmada ay ka sameeyeen howgalo muddo saacada ah ka socday degmadaasi.

Taliya Ciidamada Booliska ee Degmada Afgooye Cabdiqaadir Cusmaan Mursal  ayaa ka  war bixiyay sida uu u dhacay weerarkaas iyo sida ay ugu hortageen ciidamada degmada weerarka kaga yimid Al-shabaab.

Degmada Afgooye ayaa ka mid ah degmooyinka inta badan ey dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka geystaan weeraro kala duwan.

Laamaha Amaanka ee degmada ayaa marar badan ku cil ciliyay inay ka hor tagi doonaan weeradada ka yimaada dhan iyo Al-shabaab laakiin wali waxaa muuqaneysa in arintaas aysan meel marin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.