Akhriso:Hay’adaha Diifaaca Suxufiyiinta aduunka oo maamulka Jubbaland iyo Dowlada Soomaliya uga baaqaday in lasiidaayo wariye Saabir

Waxaa isi soo taraaya baaqa loo diraayo maamulka Jubbland ee axmed Madoobe Hogaansho sidii ay usii dayn lahaayeen Wariyaha TVGa Somali cable Xafiiskiisa Magaalada Kismaayo Saabir Cabdiqadir Warsame oo Maalintii 3aad u xiran maamulka Jubbland,m wariye Saabir ayaa waxaa loo xiray asagoo ku hawljira Duubista Sanad guuradiimarkii la doortay Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hay’ada Difaac Suxifiyiinta “The Committee to Protect Journalists” ayaa waxay cambaaraysay xariga loo gaystay Wariye Saabir Cabdiqadir asagoo aan Maxakamad la marin waxayna “CPJ” ka codsatay maamulka Jubbaland Iyo dowlada soomaliyaba in lasii daayo Wariye saabir si dag daga ah.

Dhanka kale Hay’ada “CPJ” oo Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan la xariirtay iyadoo loo kala tarjumaayo ayuu wasiirka sheegay in saabir Maxkamad la keenaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa Wariye Saabir Markiii sadexaad kuxiran Magaalada Kismaayo waxaa kaloo maamulka Jubbaland xarig ugaystaa wariyaasha ka hawl gala magaalada Kismaayo.

Hoos ka aqriso warbiintii CPJ ay ka qortay wariye Saabir.

Xariga Wariye saabir Cabdiqaadir oo Kismaayo ku xiran

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.