M/Hirshabeele oo beeniyay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay Deegaanadeeda Maamulkaasi

Wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Hirshabeele ayaa beenisay in Gobolka Shabeelada Dhexe ay dad ugu geeriyoodeen cudurka Shuban biyoodka, oo maal mihii dambe lasoo sheegayay in deegaano iyo tuulooyin badan oo ka tirsan Gobolkaasi ay dad caruur u badan ay la il darnaayeen cudurka Shuban biyoodka.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Hirshabeele Cabdi Macalin Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wararka sheegaya in deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ay dad ugu geeriyoodeen cudurka Shuban biyoodka.

Cabdi Macalin Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sida hadalka loo dhigay inaysan eheen laakiin ay jiraan daruufo adag oo haysta dadka ku nool deegaanada uu ka arimo maamulka Hirshabeele

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.