Diyaar garow dagaal oo ka taagan gobalka Gedo.

Wararka naga soo gaarayo gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jirto degmooyin ka tirsan gobalkaasi Gedo oo dhaca koofurta Galbeed ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan diyaar garow dagaal kadib markii ay dareemeyn culees soo food saaray oo ka yimid dhinaca Shabaab, maadaaba ay Shabaab kusii kordhayaan deegaano ka mid ah gobalkaasi Gedo.

“waxaan wadnaa dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul aan gobalka uga saareyn Al-shabaab, waxaan qabnaa amar Madaxweyne oo ah in aan difaacno deegaanka iyo dadka, maalmaha soo socda waxaan qaadi doonaa Howlgal lagu soo afjarayo Al-shabaabka ku sugan Gedo” sidaas waxaa Idaacadda kulmiye u sheegay sarkaal ka mid ah Ciidamada Xoogga ee gobalka Gedo.

Gobalka Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadayn Labada dhinac ee Dowladda iyo Shabaab, mas’uuliyiinta gobalka Gedo ayaa sheegay in ay jiraan warar sheegaya in Shabaab ay soo galayaan gobalkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.