Maxaad Kala socotaa Burburinta lagu hayo dhaqalaha Ganacsatada Puntland iyo Soomaliwaynba

doon

Xalku wuxuu noqdey in Isimadii iyo Xakuumadii Dalka ka talineysey ay keeni waayeen xal dhaama sidan In Maanta ay Bada Bosaaso ay ku dhex jajaban xoolihii Doomaha saarna, in burbur dhaqaalo iyo Hantiba ay ku timaado Ganacsatadii Soomaliyeed, waxaa u sabab ah Raga xaraashey Hantida Qaranka Kuwaas oo isugu jira Danley ka tirsan Xakuumada, Rumeyso ama Ha Rumeysan Dakada Bosaso waxa ay noqotey in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Ganacsatada Soomaliyeed.

Caqliga iyo Cududa Mideeya oo iska qaada Heeryada Gumeysiga Cusub. Iska qabta Dalaaliinta Qabiil kasta leh ee xarashtey Hantida Qaran Waxa farihiina ka baxaya waa mustaqbalkii aad kaga tagi laheydeen Jiilka soo socda.

Guntii iyo Gunaanadkii: Dakadu waa Hantidii Qaranka. Waxana dhaxal u leh Shacabka Soomaliyeed Maanta waxaad marqaati ka tihiin in Doontii ugu weyneyd ee sidey hanti badan ay ku burburtey Dakada Bosaso kuwii masuuliyada lahaana ay xal ka dhigey in ay wax ka qaban karin laakiin xaalku waa ka duwan yahay iyadoo la bad baadin karey ayaa la door bidey in hantidu Bada caaridi. Markad dhagey sato Wasiirka jawabta uu bixiyey ma aha mid ka tarjumeymo xaqiiqda. Ma ogtahey nina xoolihiisa Bad kuma daadsho waxaase masuul ka ah Xakuumada hada jirta . Ogow cidna ma diidana hormarinta Dakada lakin tan ma ahan mid wax xal ah u keeneysa. Waxaa iska kaashan karey Ganacsatada iyo Xakuumada, si kale hadaan u dhigo caawinad waxey ka heli kareen Federal iyadoon la dhaxal wareejin oo Maalayiin Jeebka lagu shuban
Xakuumadu maxey jawaab ka bixisey? Xal iyo xeelad wax lagu bad baadiyo ma keenin, Intaas oo Malion ku baabado ayey xal ka dhigeen. SHAME. After 20 yrs Ganacsade Abdulahi Maxamed Omar waanu kula qayb saneynaa dhibks, lakin tanu waa tijaabo u baahan ka jawaabid xal keenta.

W/Q Deeqa Ladane

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.