Madaxweyne Muusa Biixi oo ka biya diiday baaq ay u soo jeediyeen beesha Caalamka

muuse

Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi ayaa ka biya diiday war ay u soo jeediyeen beesha caalamka kaas oo ku aadanay in ciidamada Soomaaliland in ay dib ugu laabtaan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool aysan aheen ciidamo duulaan ah laakiin ey yihiin ciidamo ku sugan qeyb ka mid ah dulka Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa sidoo kala diiday in uu kala hadlo Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas Colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, wuxuuna beesha Caalamka ka iyo Qaramada Midoobey uu ka dalbaday in cadaadis lagu saaro madaxda dowlada Fedraalka Soomaaliya sidii ciidamada Puntlan ay ugu soo bixin lahaayeen Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.