Guddoomiyihii Hore Ee Degmada Buula-Burde Oo Lagu Dilay M/Baladweyne

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa xalay waxa ay dilka geysteen gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Ninka dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdi Iidow Warsame oo ka mid ahaa Culimadda Tabliiqa ee Diinta faafisa ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Booliiska Baldweyne ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in uu Sanadkii 2007 soo noqday gudoomiyaha degmada Buulo Burde balse Sanadihii u dambeeyey uu Siyaasada ka fariistay.

Cabdi Iidow Warsame ayaa ku biiray Culimada Tabliiqa isaga oo Goobo fog fog u aadi jiray faafinta Diinta Islaamka balse xalay ugu dambeyn lagu dilay Baladweyne isaga oo ka soo baxay Masjid ku yaalla Xaafada Xaawo Taako ee magaalada B/weyne ,waxana Goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyada dilka,welina kama hadlin masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.