Maamulka gobalka Gedo oo walaac ka muujiyay Shabaab hor leh oo gaaraya gobalkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amaanka maamulka Gobalka Gedo ee koofurta Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay jiraan wararka sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan shabaab oo ay ku jiraan hogaamiyaal ay soo gaarayn gobalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shabaabka ay soo gaarayn deegaanka Ceel-cadde halkaasna ay ka sameestayn fariisamo, waxaana xubnaha halkaasi gaaray ka mid ah Shiikh Cali Maxamuud Raage sida ay sheegayaan xogta laga helay saraakiisha gobalka iyo xubno kale oo ajaaniib ah.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la iska kaashado dagaalka Al-shabaab, sidoo kale waxa uu sheegay in ay socdaan abaabul ay wadaan Saraakiisha amaanka iyo mas’uuliyiinta gobalka kaas oo ah amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya kuna wajahan in shabaab laga hor tago.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.